Ciidamadda Dowladda & AMISOM Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Leego

Ciidamadda dowladda soomaaliya oo garab ka helayo kuwa midogawga Africa ee Amisom ayaa dib ula wareegay deegaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose.

Deegaanka leego ayaa maalin ka hor waxaa gacanta ku dhigay dagaalamayaasha Al-shabaab kadib markii ay weerar xoogan ay ku qaadeen xaruntii ciidamadda Amisom (Burundi) ee deegaanka leego.

Ciidamadda isgarabsanaya ayaa la shaaciyay in iyada oo dagaal uusan dhicin ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa deegaanka leego ku dhilay in ka badan 60-qof oo ay ku jiraan Askar ka tirsanaa Dowladda,Amisom iyo dad shicib ahaa dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray gudoomiye kuxigeenkii deegaanka leego oo ay Al-shabaab gowraceen.

Xaaladda deegaanka leego ayaa haatan degan sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor