Ciidamadda Badda Talyaaniga oo Badbaadiyay Dad ka badan 700 oo qof

Ugu yaraan 740 qof oo muhaajiriin ah ayay Ka Badbadiyeen Ciidamadda ilaaladda Xeebaha Talyaaniga Badda Mediterraneanka.

.Dadkasi la badbaadiyay Waxa ay saarnayeen Lix Doon oo ka soo Baxay dalka Libya sida Afhayeenka Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga uu u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

Bishii Hore Dalalka Midowga Yurub ayaa Balan qaaday iney u gurman doonan Dadkasi islamarkaana lala dagaalami doono kuwa Dadka soo tahriibiya.

Qaramadda Midoobe ayaa sheegtay in dad ka badan 60 kun oo qof ay ka soo gudbeen Badda Mideterraneanka shantii bil ee ugu dambeysay waxana ku dhintay dad gaaraya 1,800 oo ruux.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor