Ciidamadda Badda Dalka Tunisia oo Badbaadiyay Muhaajiriin Soomaali Ay Ku Jirto

Maraakiibta Dagaalka Dalka Tunisia  ayaa Maalintii Arbacadda Badbaadiyay 86 muhaajiriin Soomaali ay ku jireen kuwaas oo ay halis ku gashay Doon ay la socdeen Koonfurta Xeebta   Magaaladda Zarzis.

Doonta ay Dadkasi la socdeen ayaa ka soo baxday Dekedda Magaaladda Zuwara oo 60 KM U Jirta Xadka Dalka Tunisia waxana ay ku sii jeedeen bad weynta Ku taala Lampedusa,markas oo ay waayeen khadkii ay ku socdeen sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Dalka Tunisia.

Muhaajiriintasi waxa ku jiray 5 Haween oo mid kamid ah uur laheyd waxana loo gudbiyay Xarumaha dhalmadda ee Koonfurta Dalka Tunisia.

Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid Dalalka Nigeria oo ay ka yimaadeen 42 qof,Soomaaliya 17 qof,13 Gambia iyo 8 qof oo ka yimid Dalka Mali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor