Ciidamadda Al Shabab oo Xayiraad Saaray Wadooyinka Rabdhuure


Gudoomiyaha Degmadda Rabdhuure  Xuseen C/Raxmaan Maxamed ayaa sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ay Xayiraad saareen Wadooyinka Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Laba Wado oo kaliya ay imminka u furan yihiin Maamulka Rabdhuure iyo Shacabka ku nool halkasi.

Waxa uu ugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iney wax ka qabtaan arintasi.