Ciidamada Xoogga oo Howlgallo lagu qaadayo Isbaarooyin ka bilaabay Gobolka Sh/Dhexe

Howlgalkaan ayaa  Saaka Ciidamada Xooggu ka bilaabeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe qeyb ka mid ah sigaar ah waxaa looga fuliye howlgaladan lagu sifeynayo jid gooyooyinka Warsheekh iyo Ceel Cadde.

Guddoomiyaha Maamulka Shabeelaha dhexe Axmed meyre Makraan iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hogaaminaaye howlgalka oo sheegeen in ay u sameeyeen howlgalkaan cabasho kaga timid shacabka oo ku dhib qaba kooxo burcad ah.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidan howlgalka hogaaminaaye ayaa Raadiyaha Dalsan u sheegay in sidoo kale Cadale iyo Raaga Ceele  iyana ay Ka sameyn doonaan Howlgalo kuwan oo kale ah si looga saaro Buacada shacabka shibaateeya.

Dowlada Soomaaliya ay dowladda wado dadaalo Ku aadan Sidii ay u sifeyn laheyd Rag Ku Labisan Dareeska Ciidanka kuwaas oo dhac iyo Boob  Shacabka Ku safraya ama deegaanka Ku ah goobaha  ay Joogaan.