Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka wada deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Howlgalkaan ayaa Ciidamadu waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayaan iyaga oo ka jawaabaya qarixii 14 Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in howlgalkaan uu sigaar ah uga wadaan degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose sida tooratooroow,Bariire, Awdheegle iyo deegaano kale.

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Shabeellaha Hooseayaa iyna waxa ay sheegeen in dhaqdhaqaaqaas haatan laga dareemayo qeybo badna oo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul was are Kheyre ayaa siwadajir ah waxa ay ugu dahwaqeen in Maalinta Berito ah wixii ka dambeeya uu bialaban doono howlgal ku wajaahn deegaaanda ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Goboalda dalka Soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media