Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay Sarkaal ka tirsan Shabaab

Maamulka Gobolka Gedo ayaa faah afahin ka bixiyay howlgal ay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga sameeyay deegaano ka mid ah gobolkaas.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 48aad  Guutada 10,aad qeybta 43,aad ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah gobolka Gedo gaar haan duleedka degmada Buurdhuubo.

Howlgalkaan ayaa Saraakiisha ciidamadu wax ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Ibraahim Muxumed  ayaa sheegay in howlgalkaas ay Ciidamadu ku dileen Sarkaal ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Timacase ee duleedka Buurdhuubo.

Waxa uu sheegay in deegaankaas ay Al-Shabaab ku soo galeen si dhuumaaleysi ah balse ay ciidamadu ka hortageen,isla markaana ay kala wareegeen qalab ay wateen oo ay ka mid ahaayeen dhowr neef oo Ari ah sida uu hadalka u dhigay.

Weli majirto Warar madax banaan oo xaqiijinaya in Sarkaal ka tirsan Shabaab ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku dileen duleedka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media