Ciidamada Xoogga dalka oo dilay Ku xigeenka Al-Shabaab ee Shabellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa dilayhoggaamiye  ku xigeenka Al-shabaab ee Gobolka shabeellaha hoose

Howlgalka lagu dilay horjoge ku xigeenka Al-shabaab ee gobolka shabellaha hoose waxa uu ka dhacay degaan hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka shabellaha hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa idaacada ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay horjoogaha lagu dilay Aw-dheegle uu ahaa Horjooge ku xigeenka Al-shabaab shabellaha hoose Maxamad Abu-Cabdalla

Howlgalka lagu dilay horjogahaan waxa fuliyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala shabellaha hoose

Sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa dilay 10 ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab uu wadtay horjoge ku xigeenka Al-shabaab shabellaha hoose.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen xiliga uu dhacayay Howlgalka lagu dilay horjogahaan uu waday qorshe dagaal ka dhan ah ciidamada dowlada ee fariisimaha ku leh gobolka shabellaha hoose

Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa tilmaamay in magaca horjogahaani ay soo bandhigi doonaan sacadaha soo aadan

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa gobolka shabellaha hoose ka wada howlgalkii ugu dambeyay oo Al-shabaab looga saarayo Shabellaha hoose