Ciidamada Xasilinta oo Caawa howlgal ka wada qeybo ka mid ah Muqdisho

Howlglka ayaa ciidamada xasilinta amniga Muqdisho waxa ay caawa ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu qabtay tiro dad ah.

Howlgalka ayaa intiisa badan waxa ay ciidamadu ka wadaan qeybo ka mid ah Xaafada Geed Jaceyl iyo sidoo kale meelo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxana la sheegay in dad farabadan lagu qabtay howlgalkaas.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamadu ay qab qabanayaan dadka maraya Wadooyinka Waaweyn ee Xaafada Geed Jceyl, kuwaas oo hal goob isugu geeyay baaritaanana  ku wada.

Goobjooguhu masheegin in ciidamadu ay Guryaha gelayaan balse waxa uu sheegay in weli ay Ciidamadu howlgalka ka wadaan Xaafada Geed Jaceyl ee degmada Warta-Nabada.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa oo aan iskudaynay in aan baadi goobno si aan wax uga weeydiino howlgalka ayaanan noo suurtagelin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media