Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho oo kordhiyay holwgalkoodii

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa saakay ka socda howlgallo xooggan oo ay wadaan ciidamda xsilinta amniga Muqdisho oo lagu arkayo inta badan Wdooyink Waaweyn ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada xasilinta amniga ayaa tagan Isgoysyada Waaweyn ee Muqdisho iyaga oo baaraya Gaadiidka yar yar ee nooca raaxada ah halka dadka ay soo dejinayaan si loo baaro,in kastoo aysan jirin cid ilaa iyo hada ay ku qabteen howlgalladas.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib qaraxii dadka Shacabka u badan ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay Saldhiga degamda Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin badbaadinta Shacabkooda islamarkaana Shacabka looga baahan yahay dhankood in ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mudo ka badan bil ayaa Ciidamada xasilinta Muqdisho ay howlgallo joogto ah ka wadaan Magaalada Muqdisho hadana waxaa si caadi ah u dhacaya qaraxyada iyo dilalka qorsheysan kaas ay ku waxyeeloobayaan dadka Shacabka ah.