Ciidamada Talyaaniga oo xiray laba nin oo dadka tahriibin jiray

Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa iney xabsiga dhigen laba nin oo lagu sheegay iney ahaayen naaqudayaal dadka tahriibin jiray.

Wararka waxa ay intaasi ku darayan in labadan nin iney waden doon ku quustay jaziirada Sishiliya ka hor inta aysan ciidamada badda Talyaaniga u gurman dadkasi.

ku dhawaad 630 ruux ayay ciidamada badda Talyaaniga soo badbaadiyen sida warbaahinta dalkasi ay baahisay.

Hey’adda UNHCR ayaa shalay ku dhawaaqday in laga cabsi qabo in ku dhawaad 700 oo muhaajiriin ah ay ku dhinten badda Mediterraneanka isbuucii hore iyaga oo isku dayay iney yurub gaaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor