Ciidamada Soomaaliland oo Xabsiga dhigay Ganacsato keenay Dhar aan ku habooneyn Ganacsiga

Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo Guddi loo xilsaaray waxyaabaha Xumaanta keena in ay ka reebaan Bulshada Magaalada Haregysa ayaa soo bandhigay Dhar funaanado u badan oo Sanadkaan la keenay Magaalada Hargeysa kaas oo ay ku qoran tahay Calaamada Kirishtanka.

Guddigaan iyo Ciidamada oo iskaashanaya ayaa dhawaanahaan ku raad joogaan dharkaas oo lagu soo wargeliyay in la keenay Hargeyso si loogu Ciido basle ay ciidamadu qabteen Dadkii ka Ganacsanay Dharkaas oo ku sugnaa gudaha Magaalada Hargeysa.

Ugu dambeen  maalmihii u danbeeyey waxa deegaanada Maamulka Somaliland lagu arkayay dhar iyo kabo ay ku xardhan yihiin wax ka soo horjeeda Diinteena Macaan ee Islaamka,balse arrinkaas ayaa waxa aad uga hawl galaya ciidamada Booliska Soomaaliland iyo Guddiyo ay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaliland ay Wakiilatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media