Ciidamada Soomaaliland oo Xabsiga dhigay dad Dibad baxayaal ah

Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliiska Magaaladaas ay Xabsiga dhigeen qaar ka mid ah  dadweyne Dibadbxayaal ah oo ku nool Gudaha Magaalada laas-Caanood.

Dadkaan ayaa Magaalada laas-Caanood ka abaabulayay banaanbax ay uga soo horjeedaan heshiiskii ay dhawan Magaalada Hargeysa ku kala saxiixdeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo hoggaamiyaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr.

Horjoogayasha banaanbaxa oo ay ciidamadu xabsiga dhigeen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 5 ruux ku waas oo magaaalda laas-Caanood dhexdeeda ka abaabulyaya dibadbaxa sida ay sheegeen dadka Magaalada laas-Caanood.

Marka laga soo tago abaabulka dibadbaxa looga soo horjeeday heshiiskii Hargeysa ee Khaatuma iyo Soomaaliland ayaa hadana waxaa jira dhaqdahqaqyo ciidan iyo kacdoon dadweyne oo ka jira Magaalada Buuhoodle oo ah halkii laga aas aasay Maamulka Khaatuma State.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media