Ciidamada Soomaaliland oo heegan la geliyay iyo Natiijada doorshada oo lagu dhawaaqayo

Maanta oo Talaado ah ayuu qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii 13,kii Bishaan ka dhacday deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Natiijdan oo ah mid la wada sugayo ayaa hadana waxa barbar socda cabsi jirta taas oo ku aadan kadib markii Xisbiga WADANI ay gebi ahaanba ay sheegeen in ay doorashadaas qaadaceen.

Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa Maanta heegan la geliyay gaar ahaaan Goobaha ay ku sugan yihiin taageerayaasha Xisbiga WADANI oo u badan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Weli sirasmi ah looma saadaalin karo cida ku guuleysatay doorashadaas balse dadka qaarkood ayaa waxa ay sheegayan in ay macquul tahay in uu soo baxo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiga WADANI ayaa aaminsan in doorashadaan uu madmadoow ku jiro isla markaana dadka codeeyay ay ka mid yihiin Caruur aan qaan gaarin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media