Ciidamada Soomaaliland oo Albaabada isugu dhuftay Hoteelo ku yaalla Hargeysa iyo Burco

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliland xalay ilaa Maanta ay wadeen howlgallo looga hortegayo xuska Sanadka Cusub.

Ciidamada ayaa galay Hoteelo qaarkood lagu dhigi lahaa munaasabado Sanadka Cusub loogu dabaaldegayo kuwaas oo ku yaalla Hargeysa iyo Burco iyo sidoo kale dhlinyaradii isu diyaarinayayMunaabada.

Sidoo kale Magaalada Burco ayaa la soo sheegayaa in ciidamadu ay sameeyeen howlgal ay ku qabqabteen dhalinyrado ka qeyb qaadaneysay xuska Sanadka Cusub ee 2018,ka isla markaana ay albaabada isugu dhufteen Hoteelo.

Tallaabadaan ay qaadeen ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa waxaa la sheegayaa in uu bixiyay madaxweyne Muuse Biixi waxa ayna daba joogtay digniin ka timid Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media