Ciidamada Puntland oo qabtay Dad u socday Buuraha Galgala ee Gobolka Bari

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaanada ay ka maamulaan qeybo ka mid ah Gobolka Saanag,kas oo ay ku qabteen dad farabadan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada puntland ayaa waxa ay Warbahinta u sheegen in howlgalkaas dadka lagu qabtay ay ka mid yihiin 10 ruux oo ay sheegn in ay u socdeen Buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dadkaan ay ku jiraan labo dumar ah,islamarkaana ay rajeynayaan in ay dhawaan Maxkamad soo taagan lana xisabtamaan.

Majir wax war ah oo ay dhankooda ka soo saareen Al-Shabaab Warka ka soo abxay sarakiisha Ciidamada puntland eek u aadan in ay qabteen 10 Ruux oo u socday Buuraha galgala oo ay joogaan Al-Shaabab iyo Daacish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media