Ciidamada Puntland oo baaadi goobaya abaabulayaasha qaraxii Boosaaso

Ciidanka ammaaanka Maamul Goboleedka Somaaliyeed Puntland ayaa saakay howlgalo ammaanka lagu xaqiiijinayo ka wada Xaafado ka agdhaw dhaw Goobtii xalay qaraxa uu ka dhacay ee magaalada Boosaaso  xarunta Gobolka Bari Puntland.

Howlgaladaan ayaa Ciidanku ka wadaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso waxaana ay intiisa badan ku baarayaan gaadiidka kala duwan ee dadweynaha ku nool Boosaaso iyo kan xamuulka ah ee dhexmara Wadooyinka Waaweyn ee Gudaha Magaalada Boosaaso.

Ujeedka howlgalkaan ayaa Saraakiisha Ciidamada Puntland waxa ay ku sheegeen in ay ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay ama soo abaabulay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso kaas oo ay ku geeriyoodeen 5 ruux oo uu kamid yahay Ruuxii ismiidaamiyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalku uu weli socdo,islamarkaana markii uu soo gaba gaboobo Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ay War-Baahinta u faah faahin doonaan waxyaabihii ay ku soo qabtaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media