Ciidamada Puntland iyo maleeshiyo taageersan gudoomiyihii gobolka Bari oo ku dagaalay degmada Carmo

Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyo taabacsan gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Gallan  ayaa saakay ku dagaalamay halkasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare uu ka dhashay dagaalka balse ma jira ila wareedyo si rasmi ah u xaqiijin kara.

Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa warbaahinta maamulkasi uga digtay iney wareysi ka qaadan Cabdi Samad Gallan oo sheeganaya in hal gaari ay ka guben ciidankiisa maamulka Puntland.

Cabdi Samad Maxamed Gallan ayaa aad uga soo horjeeda siyaasada madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ( Gaas )