Ciidamada NISA oo Gacanta ku dhigay 5 ka mid ah Ciidamada Milateriga kadib dagaal dhex maray

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa israsaaseyn kooban ay qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa NISA, iyo Milateriga Soomaaliya.

Israsaaseyntaan ayaa timid kadib markii Ciidamada Milateriga sida ay dadka deegaanka sheegeen in ay iskudayeen in ay handadaan Milkiilaha mid ka mid ah Guryaha ku yaalla degamda Waaberi balse ay ku soo baxeen Ciidamada NISA.

Mudo kadib Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan 5 ka mid ah Ciidamada Milateriga iyo hubkii y wateen halka mid ka mid ah uu baxsaday sida ay sheegeen Masuuliyiinta  Maamulka degmada Waaberi.

Sidoo kale Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in 5 la qabtay Saddex ka mid ah ay qaban dhaawacyo kala duwan.

Goobjogayaal ayaa waxa ay sheegen in Goobta falkaan uu ka dhacay oo tahay Wadada Buundada Waaberi ee ku dhow Xarunta degmada balse xaaladu iminka ay tahay mid degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media