Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo Howlgalo Sameeyay

Ciidamada Nabadsugida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Howlgalo ka sameeyay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu baadi goobayay dad badan oo la xiriiriyay Xarakada Al Shabab ee Dagaalka kula jirta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa u sheegay Warbaahinta Dowlada in u jeedada Howlgalada ay ahaayen Sugida Amniga deegaanada ay Maamusho Dowlada Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor