Ciidamada Liyuu Booliis oo siidaayay Xoolo Dhaqato u afduubnaa

Ciidamada Liyoo Booliis ee dalka Itoobiya ayaa suurtagashay in mudo ka dib ay sii daayaan Dad Xoolo dhaqato ah oo ay ka afduubteen waqooyiga gobalka mudug oo hoostaga dagmada goldogob ee gobalka Mudug.

Dadka ay Ciidamada Liyuu Booliis ay siidaayeen ayaa waxa ay gaarayan ilaa 8 ruux kuwaas oo hada xuriyadooda helay sida ay sheegayan qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sababta ka dambeysa siideynta dadkaan Xoolo dhaqatada ah ayaa ka dambeysay kadib markii ay ku waayeen wax dembi ah mudo baaritaano ay ku hayeen darteed,iyo sidoo kale dadaalo ay wadeen Odayaasha Dhqanka gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Mudug iyo Ehelada dadkaas ayaa aad u soo dhaweeyay siideynta dadkaan Xoolo Dhaqatada ah,waxaana hada ay dadkaasi sinabad ah ay u tageen Guryahooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media