Ciidamada Koonfur Galbeed oo toogtay Sarkaal ka tirsan Al Shabab

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay toogasho ku dileen sarkaal dhinaca Amniyaadka u qaabilsanaa Al Shabab.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay degmada Diinsoor ee gobolka Baay sida ay daabacday wakaalada SONNA oo aan sheegin magaca Sarkaalkasi.

Ciidamada dowlada,AMISOM iyo Mareykanka ayaa weeraro iyo duqeymo joogta ah ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyaga oo beegsanaya Xarumaha iyo dagaalamayaasha Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor