Ciidamada Komaandosta Soomaaliya oo weeraray Fariisimo Al Shabab ay leeyihiin

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahan Komaandosta sida gaarka u tababaran ay saakay aroortii weerar xoogan ku qaaden fariisimo Al Shabab ay leeyihiin.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Garcad ee gobolka Galguduud sida Dalsan uu u sheegay Guddoomiyaha Deeganka Galcad Khadar Maxamuud Cali.

Ugu yaraan 15 ka tirsan Al Shabab ayay wararka qaar sheegayan in weerarkasi lagu dilay sida gudoomiyaha uu sheegay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa habeen hore weerar culus ku qaaday xarun Al Shabab ay ku lahaayen deegaank Tooratoorow ee gobolka Shabeelada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor