Ciidamada kenya oo Qarax Miino Lagula Eegtay Gaarisa

Waxaa Kolonyo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, Qarax miino lagula eegtay magaalladda Gaarisa ee Waqooyi Bari dlka Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ayaa sheegay in Seddex askari ay uga dhaawacantay qaraxaasi, oo ka dhacay deegaankaka Libooye.

Dhinacakale Ammaanka Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamadda KDF-ta dalka Kenya oo magaalladda dhex maraya, si ay u xaqiijiyaan anmiga Gaarisa oo inta badan weeraro y ka geystaa Alshabaab.