Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay 11 ruux oo Soomaali ah

Sarkaal Boliis-ka Magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya ka tirsan oo lagu magcaabo, Benjamin Ongombe, ayaa xaqiijiyay in ciidamda Boliiska-ka magalada ay gacanta ku dhigeen ilaa 11 ruux oo dalka soomaaliya ka tagay kuwaas oo doonayay in ay qaab qarsoodi ah ay ku galan dalkasi.

Sarkaalka ayaa saxaafada u shegay in ay dadkaasi ku safrayeen gaari, iyagoo isticmaalayay wadooyin aan sax aheen si ay uga fogaadaan in boliiska ay xiraan, balse ciidamadeena oo  nasiib wanaag gacan ka helaya shacabka ayaa nagu wargaliyay ayuu yiri, Ongombe.

Sidoo kale waxaa uu shegay in ilaa laba iyo toban ruux, oo ciidanka gacanta ay ku dhigeen in ay yihiin kuwo sugaya xukun maxkamadeed, kuwaas oo iyagana gacanta lagu dhigay waqti ay donayay in ay galaan Magalada Garissa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Magalada Garissa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya, ayaa sanadkii aan kasoo gudubnay waxaa Al Shabab ka geysatay weraro ay ku beegsatay madax iyo dad shacab ah kuwaasoo ku sugnaa halkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor