Ciidamada Itoobiya oo qarax lagula eegtay gobolka Gedo

wararka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya gaari looga gubay qarax xoogan oo lagula eegtay deegaanka Yurkud ee gobolkasi.

warbaahinta Al Shabab waxa ay baahisay in ugu yaraan 1 gaari looga gubay qaraxasi ciidamada Itoobiya.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay qaraxa uga dhinteen ugu yaraan seddex askar balse weli si rasmi ah looma xaqiijin.

Al Shabab ayaa qarax xoogan marwaliba la eegato ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor