Ciidamada Itoobiya oo Caawa Gudaha u galay deegaanka leego

Wararka aan Caawa aan ka haleyno deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaas ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

La wareegitaankaan ayaa ka dambeeysay kadib markii deegaanka leego ay isaga baxeen Ciidamadii Al-Shabaab ee Maalin ka hor la wareegay markii ay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda Baneeyeen.

Ciidamo farabadan oo kuwa Itoobiya ah oo ka yimid Magaalada Baydhabo ayaa Caawa ku sugan gudaha deegaanla leego sida ay sheegayaan dadka deeganka qaarkood oo Dalsan hadleen.

Farsiimo ayay Ciidamada Itoobiya ka sameesteen gudaha deegaanka leego iyo hareerihiisa,waxaana la sheegay in guud ahaan ay Al-Shabaab deegankaas baneeyeen iyada oo aan wax dagaal ah ka dhcin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media