Ciidamada ilaalada xeebaha Gariiga oo badbaadiyay muhaajiriin ay soomaali ka mid ahaayeen

Ugu yaraan 34 muhaajiriin iskugu jiray Syria, Afghanistan, Iraq and Somalia, ayaa waxaa doontii ay lacdeen ay kula maashoowday xeebaha dalka Greeka, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Greek.

Dhibanayaasha ayaa waxaa  kujiray 12 Dumar iyo 10 Carruur ah.

Wakaalada wararka ee Athens News Agency ayaa laga soo xigtay in  Ciidamada illaadah xeebaha dalka Greeka ay dadkaasi soo samatabixiyeen, markii doontii ay lasocdeen lagu soo wargaliyay in ay Qatar ku sugantahay.

Hey’adda UNHCR ayaa sheegay in sanadkii 2015 ay sare ukacday tirade muhaajiriinta kasoo galaya Yurub, galbeedka Badda Mediterranbean, kusoo kasoo galay wadamada Turkiga iyo Greece, halkaasoo ay u arkaan muhaajiriinta marin badbaado ah.

Sidoo kale hey’adda QM uqaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa ku dooday in dadkaasi badankooda ay kasoo safraan waqoyga Qaarada Africa iyagoona soo jiheysta dalka Talyaaniga.

Midowga Yuru ayaa ugu dambeyn sheegay in maalin kasta ay Qaarada yimaadaan 3,000 oo muhaajiriin ah  oo ka yimaada dalka Turkiga oo badankooda ka soo kala jeeda dalalka Syria, Afghanistan, Iraq and Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor