Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Minashiibiyada

Ciidamada Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa xasbiga dhigay Sadax Nin oo ka tirsan Ciidamada loo yaaqano Minishiibiyada ee Canshuurta qaada.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii Ciidamada Minabshiibiyada ay ka timid dacwad ka dhan ah oo ku aadan in ay dadka dhibaateeyaan sida uu radio Dalsan u sheegay gudoomiyaha Cusub ee degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir.

Sadaxdaan nin ayaa waxaa la xiray Maalin ka hor kuwaas oo uu maamulku sheegay in talaabo cad laga qaadi doono hadii ay dadka Shacabka ah ku xad gudbaan.

Ciidamada Minashiibiyada ah ayaa waxaa mararka qaar lagu arkaa Wadooyinka Muqdisho iyagoo lacago ka qaadaya Gawarida iyo waliba Mooto Bajaajta taas oo keenta mararka qaar isfahamwaa labada Dhinac ah.