Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saakay ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya kadib dil xalay halkaasi ka dhacay.
Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameynayaan Xaafada Howlwadaag halkaas oo ah goobtii xalay lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Nabad-sugida Soomaaliya.
Ku dhowaad Boqol ruux oo dhalinyaro u badan ayaa lagu qabqabtay howlgalkaas kuwaas oo hada qaarkood uu ku socdo baaritaano dheeraad ah.
Inta uu howlgalka socday ayaa dadka qaar ee Reer Baladweyne waxa ay sheegn in xoogaa uu hakadgalay isu socodka dadka iyo Gaadiidka Xaafadaha Magaalada Baladweyne wallow hada uu sicadi ah ku soo laabtay.
Xiriir aan la sameynay Maamulka Magaalada Baladweyne ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga wwydiino howlgalkaas iyo dilka xalay ka dhacay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baladweyne.