Ciidamada dowladda Soomaaliya oo qarax Maanta fashiliyay

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  Maanta waxa ay fashiliyeen qarax Miino oo lagu aasay Wadada Dhexdeeda,kadib markii qaraxaas ay arkeen dad Shacab ah oo goobta qaraxa lagu aasay ka agdhawaa.

Qaraxaan ayaa lagu aasay deegaanka KM-13, halkaas oo marin u ah Gaadiidka Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom iyo Gaadiidka dadweynaha dhowr marna qarax uu ka dhacay.

Ciidamada Miina-baarka ayaa qaraxaas kala furfuray ,iyada oo aysan qarxin Miinadaas,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xiriir aan la sameynay Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino fashilinta qaraxaas.

Deegaanka KM-13, ayaa waxa uu ka mid yahay deegaano dhowr mar qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom,waxaana halkaasi sidoo kale degan dad ka soo barakacay abaartii ka dhacday qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media