Ciidamada Dowladda oo xalay isku Gadaamay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolkaan Banaadir howlgaladaas ayaa waxaa lagu qabqabtay dad farabadan oo looga shakisan yahay in ay amnigi lidi ku yihiin.

Ciidamada Nabad-Sugida iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay howlgalada ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenleey oo labadii Maalin ee la soo dhafay ay ka dhaceen falal amnidaro ah.

In ka badan 100,Ruux ayaa lagu qabtay howlgalkaas kuwaas oo u badan dhalinyaro,waxaana ugu dambeen la sheegay in in badankooda lasii daayay kadib markii laga saaray.

Weli Saraakiisha ciidamada loo xilsaaray Xasilinta amniga ma faah faahin howladaaas waxyaabihii ay ku qabteen,balse waxaa jirtay in Maamlmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay howlgalo xiliyada Habeenkii ka sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media