Ciidamada Dowladda oo toogtay qof dil ka geystay Xaafada Suuq Bacaad

Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid gobolkaan Banaadir ayaa Duhurnimadii Maanta oo Sabti ah Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo Milateri ah  waxa ay ku toogteen Nin horay Qof kale u dilay.

Ninka la dilay ayaa Daqiiqado ka hor dilay Askari ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya oo Magaciisa lagu soo gaabiyay cartan,waxana ninka la dilay xili uu raacay Mooto Bajaaj si uu ugu baxsado.

Ciidamada Milateriga ee toogtay Ninka wax dilay ayaa waxa ay qaateen laba Bustoolad oo ay kala wateen Askariga ka tirsanaa Ciidamada Badda iyo Ninkii dilay.

Meydka Askariga ka tirsan Ciidamada Milaateriga iyo qofkii horay u dilay ayaa labada waxaa Goobta ka qaatay Eheladooda.

Xaalada Goobta ay dilalka ka dhaceen ayaa haatanh ah mid degan,waxaana tani walaac ka muujiyay Ganacsatada Suuqa oo horay Gudoomiyaha Maamulka degmada uu kala hadlay falalka dilalka ah ee ka dhacay Xaafada Suuq Bacaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media