Ciidamada dowladda oo qabtay Gaadiid hub u waday Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa degmada Baardheere ee gobolka gado ku qabtay gadiid ay ku jireen rasaas isla markaasna u socday rag ka tirsan Al-shabaab.

Xidigle Faarax Maxamed turbac Taliyaha ururka 49Aad ee Guutada 10Aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo wareysi siiyay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Rasaasta ay ciidamada gacanta ku dhigeen ay tiro ahaan ay gaareyso 15’00 kun oo ah rasaasta loo isticmaalo qoryaha Ak47 ah iyo qoriga daba jeexa

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Rasaastaan ay ciidamada qabteyn loo waday Al-shabaab oo fariisin ku leh Tuulada Ray’dab oo 40km u jirta degmada Baardheere

Majiro wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab ee ku aadan qabashada ay saraakiisha Ciidamada dowladda Gobolka Gedo ku sheegeen in ay ku qabteyn gaari hub u waday Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media