Ciidamada dowladda oo La Wareegay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan ayaa ku waramaya in maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM, kadib markii ay isaga bexeen ciidamada Alshabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Guhaad Cabdi Warsame ayaa Warbaahinta u sheegay inay gudaha u galeen Halgan ciidanka dowladda, islamarkaana ay la wereegeen maamulka deegaankaas.

Indhawaanahan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka dhan ah Alshabaab oo wali ku sugan meelo ka mid ah gobolka, waxaana maanta ciidamada dowladda ay qabsdeen deegaanka Halgan oo ay marar badan kula dagaalameen Alshabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media