Ciidamada dowladda oo ku guuleestay qaadista Isbaarooyin iyo dagaal ka dhashay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay howlgalo isbaaro qaadis ah ka sameeyen qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan Wadada u dhaxeyso degmada Walaweyn iyo deegaanka Warmaxan ee isla Gobolkaasi Shabeellaah hoose.

Howlgalka intii ay ciidamadu wadeen ayaa waxaa ka horyimid Ciidamo Jagboonti u yaalay deegaanka Warmaxan kuwaas oo diidayay in isbaarada laga qaado waxana halkaasi ku dhex maray dagaal kooban oo khasaaro geestay walow aan weli faah faahin laga bixin.

Ciidamadii howlgalka waday ayaa daqiiqado kadib waxa ay ku guuleesteen in ay Goobta isbaaradii ka qaadaan,waxana jira in Ciidamadii kale ay Goobta isaga tageen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay k go’an tahay in ay qaadaan Isbarooyinka ay ka cabanayaan dadka Shacabka ah ee yaalla gudaha Gobolka Shabeellaha hoose iyagoo fulinya amarkii madaxweynaha Soomaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media