Ciidamada dowladda oo Howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Waaberi

Howlgalkaan ayaa Ciidamada amniga Soomaliya waxa ay ka sameeyeen Waaxda Hanti Wadaag ee degmada Waaberi,waxaana Ciidamada ay Guri Guri u baarayeen Xaafadaasi.

Dadka deegaanka qaarkood o la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday lagu qabqabtay tiro dad ah oo dhalinyaro u badan kuwaas oo Ciidamadu ay isugu geeyeen Barxadweyn oo ku taalla Gudaha degmadaas.

Ciidamada ayaa sidoo kale qabqabnayay dadka Wdooyinka degmadasi Waaberi marayay waxaana la sheegay in dadkii howlgalkaas ay ku qabteen intooda badan ay siidaayeen halka qaarkood dhalinyardii ay weli Su’aalo weydiinayaan.

Ciidamada Xasilinta amniga ayaa habeenadii la soo dhaafay sidaan oo kale wxa ay holwgallo uga sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir sida Yaaqshiid, Waaberi iyo Dharkenley oo howlgalkii ugu dambeeyay lagu soo qabtay Hub iyo waxyaabaha Maanka dooriya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media