Ciidamada dowladda oo Gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab howlgal ay ka fuliyeen…

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa markale saakay howlgal waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada deyniile ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Xaafada lagu magacaabo Ciise Cabdi oo kamid ah Xaafadaha degmadaas.

Ciidamadaan oo loogu magacdaray kuwa xasilinta amniga Muqdisho ayaa howlgalka inta uu socday waxa ay ku soo qabteen boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo Ciidamadu ay baaritaano ku sameeyeen kadibna ay badankood siidaayeen.

Saraakiil ka tirsan kuwa Howlgalka horkacayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas inta uu socday ay u suurtagashay Ciidamada in ay qabtaan Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaas oo Ciidamadu ay baadi goobayeen,waxana magaciisa lagu sheegay Sarkaalkaas Zakariya Ibraahim Cali.

Weli wax War ah kama soo bixin dhanka Al-Shabaab ee ku aadan in ay ciidamadu qabteen Sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab xili uu ku sugnaa degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media