Ciidamada dowladda oo Gacanta ku dhigay Nin rasaaseeyay Goob Raashin laga qeybinayay

Maamulka degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdo Shalay ka dhacday degmadaas kadib markii Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somaaliya ee ku sugan degmadaas uu rasaas ku furay Goob dad Barakacayaa ah raashin loogu qeybinayay.

Gudoomiyaha degmada Kaxda oo ay Dalsan wax ka weeydiisay arintaas ayaa sheegay in arintaan ay timid kadib markii Goobta wax lagu qeybinyay ay noqotay mid la isjiid jiido buuq badana uu ka dhashay taas oo keentay in Askari ilaalo ka ahaa Qoriga lala qabsaday kadibna uu rasaas furay.

Waxa uu sheegay in rasaastaas ay waxyeelo ka soo gaaraty Sadax Ruux oo Goobta ku sugnaa kuwaas oo dhaawacooda haatan lagu dabiibayo mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Todobaadkaan Gudihiisa ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud rasaas uu ku furay Nin hubeysan Goob dad wax loogu qeybinayay waxaana rasaastaas ku geeriyooday ilaa 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen ninkiina uu baxsaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media