Ciidamada Dowladda oo Gacanta ku dhigay Askari dilay Wiil dhalinyaro ah

Shalay gelinkii dambe ayaa askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda soomaaliya waxa uu dilay Wiil ka mid ahaa dhalinyarada Magalada Jowhar.

Xilliga dilka uu dhacayey ayaa wiilka dhalinyarada ah waxa uu ku sugnaa goob hay,adda sandanada Cumaan ay ka qeybineysay raashin,balse6falkaasi dilka ahay u geystay,waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in la qabtay askarigii dilka geystay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidamada Milateriga,isla.markaana haatan xabsiga Jowhar uu ku xiran yajay.

Wiilkaas dhalinyarada ah ayaa kamid ahaay dhalinyaradsa Jowhar,waxaana dilka wiilkaas oo lagu magaacaabi jiray Xasan Maxamed Xasan aad uga xumaaday dhalinyaro farabadan oo yaqaanay.

Marka lagasoo tago in askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigo masuuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada jowhar intaba kama hadlin dilkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor