Ciidamada Dowladda oo Caawa Degmada Xamar Weyne ku qabtay laba nin, oo dadka baaranayay

Raggan oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, iyagoo wata moobeelo iyo dahab ay ka soo furteen dadka deegaanka.

Xasan Duulane Xersi, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen raggaasi, ka dib markii lagu soo wargeliyay inay dhac ka wadaan xaafadaha degmada.

Taliyaha, ayaa Warbaahinta u sheegay in labadaasi nin ay ku soo qabteen teleefanada gacanta iyo dahab, ay ka furteen dumarka deegaanka, sida uu yiri.

Taliyaha, ayaa waxaa uu iftiimiyay in labadaasi nin oo midkood uu ka tirsan yahay Ciidamada Militariga, ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Xamar Weyne, isla-markaana ay ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Duulane, ayaa dadka deegaanka kaga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, isagoona ku booriyay in wada shaqayntaasi ay sii wadaan.

Xigasho Universal Somali Tv

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media