Ciidamada Dowladda & kuwa Cadaan ah oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano ay maamulayeen Al-Shaabab.

Howlgalladaas ayaa waxaa la sheegay in ay kula wareegeen Deegaanka Mubaarak ee Gobolkaasi halkaas oo ay Gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsan AMISOM,sidoo kale haatan xiisado dagaal ay ka taagan tahay Degmada Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay goordhow isaga baxeen degaanka Doon-buraale oo hoostaga Degmada Qoryooley.

Ciidamada Dowlada ayaa lagu soo waramayaa in ay Garab ka helayaan Ciidamo cadaan ah kuwaas oo dhowr mar howlgallo kala qeyb qaatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media