Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo weeraray fariisin ay ku sugnayeen Al-Shabaab

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay saqdii dehxe ka dhacay deegaano hoostga degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Burundi ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab ku sugnaa halka lagu Magacaabo Haansheekh oo u dhow tuulada Gololey,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya.

Dadka ku nool degmada Balcad ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta la’isku adeegsanayay,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro soo gaaray mid ka mid ah Gawaarida AMISOM in kastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Weli sidoo kale Maamulka degmada Balcad kama hadlin howlgalka ay ka sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda duleedka degmada Balcad iyo dagaalka khasaaraha dhaliyay.