Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo fashiliyay qarax

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahiyay qaraxyo lagu aasay qeybo ka mid ah degmadaas,islamarkaana ciidamada Mamulka degmada Jalalaqsi iyo kuwa Amisom ay fashiliyeen.

Maxamed cabdulle fiidoow,gudoomiyaha degmada Jalalasqi oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dadka Shacabka ah eek u sugan Degmada Jalalaqsi ay ku soo wargeliyeen in Miino lagu aasay agagaarka Saldhiga degmada,ta soo keentay in ay fashiliyaan.

“Ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa Amisom iyo Ciidamda Miina-baarka Soomaaliya ayaa ku guuleestay bixitaanka miinooyinkaas kadib xogo nooga yimid Shacabka anagana waan fashilinay,Al-Shabaab ayaana doonayay in ay dadka Shacabka ku dhibteeyaan yuu yiri gudoomiyah degmada Jalalaqsi.

Sikastaba degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal,waxana mararka qaar weeraro ku soo qaada Al-Shabaab

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media