Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dagaalamay Degmada Mahadaay

Ciidamado ka wada tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ku dagaalamay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wariye Radio Dalsan ka tirsan ayaa soo sheegaya in Dagaalka uu ka dhashay lacago canshuur ah oo ay ciidamada isku khilaafen.

Weli rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkasi waxaase la soo sheegaya in ay ku dhaawacmen ilaa iyo 2 askari.

Maamulka gobolka Shabeelada Dhexe weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin dagaalkasi.