Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qaraxa ay ku jiraan

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa saakay gacanta ku soo dhigay gaari la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaarigan ayay ciidamada ku qabten agagaraaka dhisamaha baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay in gaari la dhigay banaanka hore ee taalada Sayid ee ku dhaw xarunta Baarlamaanka balse ma aysan bixin faahfaahin badan.

Shalay ayay ahayd markii Al Shabab ay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku weeraren xarunta Fiisho taraafico ee degmada Shangani.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor