Ciidamada dowlada oo fashiliyay weerar ay damacsanayen Kooxda Daacish

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa fishilayay weerar ay kooxda daacish dooneysay iney ka fuliso magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay hub,gaari iyo 7 laabtob oo la doonayay in weerarada loo isticmaalo sida ay qortay wakaalada SONNA.

Daacish ayaa dhawaan sheegatay weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fulisay Soomaaliya kadib markii qarax la eegatay kolonyada AMISOM,inkastoo AMISOM ay beenisay warkasi.

Ciidamada Komaandosta Soomaaliya ayaa sido kale dhawaan burburiyay sida ay dowlada sheegtay xarun ay Daacish ku lahayd degmada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor