Ciidamada Dowlada iyo kuwa xulafada la ah oo weeraray Xarumo ay leeyihiin Al Shabab

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowlada federaalka iyo kuwa Xulafada la ah ayaa xalay weerar culus ku qaaday fariisimo ay Al Shabab ku leedahay gobolo ku yaala Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in weerarada oo xalay dhacay ay geysten khasaare xoogan balse ay Maanta soo gudbin doonan.

Ila wareedyo ayaa Radio Dalsan u sheegay goobaha weerarada ay ka dhacen uu ku jiro Gobolka Shabeelada Hoose.

Xasan Sheekh ma uusan cadeynin ciidamada kala qeybgalay howlgalkasi ciidamada dowlada iney ahaayen midkoodna AMISOM iyo kuwa Mareykanka ama dalal kale.

Mareykanka ayaa ka qeyb qaatay Laba Weerar oo bishii Maarso ka dhacay gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Hoose.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay 6 bishii Maarso Xarunta Raaso Kaam oo tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan Al Shabab,Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaana sheegtay in weerarka lagu dilay 150 Al Shabab ka tirsan.

Al Shabab waxa ay qirten in uu weerarka dhacay lkn uu Mareykanka riyoonayo aadna uu uga badbadiyay khasaaraha Weerarkasi.

Laba Cisho kadib weerarkasi Ciidamada Dhulka Mareykanka oo diyaarada dagaal adeegsanaya iyagga oo ay la socden Ciidamada Dowlada ee sida gaarka u tababaran ayaa weerar saldhigyo ay Al Shabab ku leeyihiinDeegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Al Shabab oo weerarkas ka hadashay waxa ay sheegtay in kaliya hal askari looga dilay howlgalkasi.