Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Galcad

Wararka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay ay Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay si buuxda u la wareegen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegeysa in ciidamada la wareegay degmada Galcad ay ka soo tagen deeganka Budbud oo qayaastii 30 KM u jira degmadasi.

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo balaaran ka wada deeganada ay ku sugan yihiin Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor