Ciidamada dowlada iyo Amisom oo la wareegay Goobo Mihiim ah

Saacadihii la soo dhaafay howlgal ay sameeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa waxa ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolkaas ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in tuulooyin hoostaga degmads Mahadaay ay Ciidamadu kala wareegeen Al-Shabaab sida,Cali Fooldheere , War Ciise iyo tuulooyin kale.

Barta twetter-ka ee Amisom sidoo kale lagu qoray Warkaan,waxaana sidoo kale la sheegay in waxgaradka ku nool deegaanada lala wareegay laga dalbaday la Shaqeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha dhexe ayaa weli waxaa Gacanta ku haya Al-Shabaab,iyada oo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen in ay la wareegi doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media